Dagaal Beeleed Ka Socda Gobolka Shabellaha Dhexe

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan  in halkaasi uu ka soconayo dagaal xooggan oo u dhaxeeya Labo beel oo walaalo ah.

Dagaalkan ayaa ka socda Tuulada Jameeca Misra oo kamid ah tuulooyinka hoos yimaada degmada Balcad ee Shabellaha Dhexe, waxaana halkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dad goob joogayaal ah ayaa Goobjoog News u xaqiijiyey in dagaalkan ay ku dhinteen ugu yaraan 2 ruux, iyadoo dhaawacana uu intaasi ka badan yahay.

Sidoo  kale warar soo baxaya ayaa waxay sheegayaan in dhinacyada dagaallamaya ay dab qabadsiiyeen guryo ay dad shacab ah ay deggan yihiin.

Beelaha dagaallamaya ayaa kala ah xoolo dhaqato iyo beeraley, welina si rasmi ah looma shaacin waxa ay isku haystaan.

Xiriir ay Goobjoog News, la sameysay maamulka degmada Balcad iyo kan gobolka Shabellaha dhexe ayaan suurtagelin.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW