U bood dhigaalka

Dagaal Beeleed Ka Socday Gobalka Galgaduud Oo La Xaliyay

Sheeko:Dalka

Maamulka gobalka Galgaduud ee dowladda Soomaaliya ayaa faah faahin dheeraad ah ka bixiyay heshiis la kala dhex dhigay beello walaalo ah, kuwaasi oo dhawaan ku dagaallamay gobalkaasi.

Gudoomiyaha gobalka Galgaduud Xuseen Wehliye Cirfo ayaa sheegay in Odayaasha dhaqanka iyo sidoo kale maamulada degmooyinka Xeraale iyo Caabduwaaq ay ku guuleysteen sidii xabada loo joojin lahaa.

Beelahaan ayaa ku dagaalsanaa lahaanshiyaha dhul beereer ku dhaw degmooyinkaasi, waxaana dagaallada inta ay socdeen ku dhintay dad Labada dhinac kasoo kala jeeda, shacabna ay ku jiraan.

Gudoomiye Cirfo ayaa sheegay in qodobo dhowr ah la’isku afgartay si loo helo nabad, waxaana ka mid ah.

  • Xabad Joojin 15-maalin ah
  • In Maleeshiyaadkii dagaallamay la kala qaado
  • Bisha soo aadan 10-keeda in gogol nabadeed la’isugu yimaado
  • In shaqsi hubeysan dhinaca uu doono aanu tagin meelihii lagu dagaallamay
  • In dib la’isugu celiyo hadii ay

Heshiiskaan ayaa imaanaya xilli dhinaca kale deegaanno ka mid ah gobalka Galgaduud ay ka soconayaan dagaallo sababay dhimashada dad badan oo shacab ah, waxaana ka qeybgalaya dagaalladaasi ciidamo ka mid ah Ismaamulka Soomaalida Itoobiya.

Goobjoog News