U bood dhigaalka

Dagaal Buulo Mareer ku dhex maray ciidamada huwanta iyo Al-shabaab

Sheeko:Dalka

Iska hor imaad culus ayaa xalay waxa uu degmada Buulo mareer ku dhex maray ciidamada dowladda Federaalka iyo kuwa xarakada Al-shabaab oo weerarka soo qaaday.

Dagaalka ayaa bilowday kadib markii dgaalyahanno ka tirsan Al-shabaab ay weerareen bar koontarool oo ay fadhiyeen ciidamada AMISOM.

Inta la xaqiijiyay saddex qof oo shacab ah ayaa ku dhaawacmay dagaalkan sida uu Goobjoog FM u xaqijiyay qof ku sugan Buulo mareer.

Wariyaha Goobjoog FM ee gobolka Shabeellaha hoose ayaa tilmaamay in ciidamada ammaanka ay howl gallo baaritaan ah ka sameeyeen goobihii laga soo weeraray iyaga oo baadi goobaya dagaalyahanadii weerarka ku qaaday.

Ma jiro wax war ah oo ka soo baxay xarakada Al-shabaab o la xiriira weerarkan.

Buulo mareer ayaa ka mid ah degmooyinkii ay la wareegeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.