U bood dhigaalka

Dagaal caawa Muqdishu ku dhex maray labo ciidan oo ka tirsan dowladda Soomaaliya.

Sheeko:Dalka

Dagaal khasaare gaystay ayaa caawa ka dhacay Agagaarka Dekada weyn ee Magaalada Muqdisho, Dagaalka ayaa u dhexeeyay Ciidamada Booliiska iyo Nabad sugida oo kawada tirsan Dowlada Federaalka ah ee Soomaaliya.

Isku dhaca ayaa ka dhashay khilaaf ku dhex maray Ciidamada Boolis-ka iyo Ciidanka Nabad Sugid a jid-gooyo taalay agagaarka Dekada Xamar, khilaafkii ayaa isku badalay  dagaal dhaliyay dhimasho iyo dhaawac.

Dadka deegaanka ayaa sheegaya in khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ka dhashay dagaalka, dhaawacyadii ayaa la dhigay Isbitaalada magaalada halka aan la hubin ilaa iyo hadda tirada saxda ah ee dhimasha.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Labada dhinac ee halkaas ku dagaalamay ee  Booliiska iyo Nabad sugida  labaduba  gaareen khasaare balse dhinaca dowlada Soomaaliya wali wax war ah oo arintaas ku saabsan kama soo bixin.