U bood dhigaalka

Dagaal Ciidamada Puntland Ku Dhexmaraya Boosaaso

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga dowlad gobaleedka Puntland ayaa sheegaya in gudaha magaalada uu goordhaw ka bilawday dagaal u dhaxeeya ciidama la sheegay in ay ka amar qaataan hogaanka Puntland iyo ciidamada PSF.

Dagaal ayaa la sheegay in ay labada dhinac ay isku adeegsanayaan hubka noocyadiisa fudud, illa iyo haddana ma jirto qasaaro rasmi ah oo laga soo wariyay dagaalka.

Ciidamada PSF iyo kuwa maamulka Puntland ka amar qaata ayaa muddooyinkii la soo dhaafay isku hor fadhiyay magaalkada.

Qilaafka labada ciidan oo kawada tirsan Puntland ayaa yimid kadib taliyaha hay’adda amniga PSF uu xilka ka qaaday Madaxweynaha dowlad gobaleedka Puntland, xilli ay ciidamada PSF ka soo horjeesteen xilka qaadista agaasimahooda.

Goobjoog News