U bood dhigaalka

Dagaal Ciidanka Xoogga Dalka iyo Al-shabab u Dhaxeeya oo Ka Qarxay Galgaduud

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka  ah oo kaashanayo kuwo ka tirsan Galmudug ayaa  howl-gallo  ka dhan ah  Al-shaab maanta kawada deegaanka Cada-xaar oo Bulacle ka xiga Qoraxsin Waqooyi magaalada dhuusamareeb ee gobolka Galgaduud, halkaas oo dagaal xoogan uu ka socdo oo u dhaxeeyo labada dhinac.

Saraakiisha howlgalkan hoggaaminaysa oo la hadlay idaacadda ciidamada ayaa  sheegay inuu yahay mid  qorshihiisa howlgalkaan  la diyaariyey   lana sii wadi doono inta  Al-Shabaab  laga saarayo  deegaannada ay kaga sugan yihiin dowlad goboleedka Galmudug.

Ciidamada xoogga dalka iyo Alshabab  ayaa dhowr jeer ku dagaalamay gobolka, iyadoo madaxda maamulka Galmudug oo gaaray jiidda hore ee dagaalka waxaa ay ku baaqeen in la garab isaago ciidamada howlgalka ka wada waxaana sidaas yiri wasiirka warfaafinta maamulkaasi.

Goobjoog News