Dagaal Culus Oo Dhexmaray Ciidanka DFS Iyo Al-shabaab

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalada Jowhar iyo sidoo kale deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe.
Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay iney duulaan ku ahaayeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in jidka u galeen dagaalyahanno Al-shabaab ah.
Weerarkan waxaa ku dhintay saraakiil ciidanka xoogga dalka ah oo uu ka mid ahaa Dhame Xaaji Cabdi Xaaji Xasan Cali, waxaana jira dhaawac ku dhow Shan.
Dhanka Al-shabaab lama oga khasaaraha soo gaaray, hase ahaatee dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa ahaa mid xooggan sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Jowhar.
Al-shabaab ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada Shabeelooyinka.
Warkaan wixii kordha kala soco wararkeena kale
Goobjoog News
Bvbjrf vtvncz Discount cialis without prescription cialis over the counter at walmart
Yekdmh mitugq Real cialis without prescription is there a generic cialis available?
Yopoem tzkzpt Order viagra online cialis black
Szmumk uctslj canadian online pharmacy Pspgm