U bood dhigaalka

Dagaal Culus Oo Dhexmaray Ciidanka DFS Iyo Al-shabaab

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo sidoo kale Al-shabaab ayaa ka dhacay deegaan u dhaxeeya magaalada Jowhar iyo sidoo kale deegaanka Xawaadley ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka ayaa la sheegay iney duulaan ku ahaayeen deegaanno ay ku sugnaayeen Al-shabaab, hase ahaatee waxaa la tilmaamay in jidka u galeen dagaalyahanno Al-shabaab ah.

Weerarkan waxaa ku dhintay saraakiil ciidanka xoogga dalka ah oo uu ka mid ahaa Dhame Xaaji Cabdi Xaaji Xasan Cali, waxaana jira dhaawac ku dhow Shan.

Dhanka Al-shabaab lama oga khasaaraha soo gaaray, hase ahaatee dagaalka halkaasi ka dhacay ayaa ahaa mid xooggan sidey inoo xaqiijiyeen saraakiil ku sugan Jowhar.

Al-shabaab ayaa kordhiyey weerarada ka dhanka ah ciidanka xoogga dalka, gaar ahaan kuwa ku sugan gobollada Shabeelooyinka.

Warkaan wixii kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News