U bood dhigaalka

Dagaal Culus Oo Ka Dhacay Gedo

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah baa saaka waxa ay ka soo baxayaan dagaal ka dhacay gobolka Gedo, Koonfurta Soomaaliya.

Dagaalka oo qaatay dhowr saacadood oo shalay ah ayaa ka dhacay meel Ku dhow degaanka Geedweyne oo u dhaxeeya degmooyinka Dooloow iyo Luuq ee isla gobolka Gedo.

Ilo wareedyo ku sugan gobolka Gedo ayaa Goobjoog News u xaqiijiyay in dagaalka uu yimid markii ciidamada dowladda Jubbaland ee xubinta ka ah dowladda dhexe ay weerar ku ekeeyeen goob ay ku sugnaayeen Xarakada Alshabaab.

“Weerarka wuxuu ka dhacay meel ku dhow Geedweyne oo u dhaxeysa Dooloow iyo Luuq waxaana halkaas Xarakada ay ku qaadaysay “Zakada” xoolaha marka ciidankii Dooloow ee weeraray goobtaas baa ay ka war heleen iyagii ayaa weerar kala hor yimid” ilo wareedyo ayaa u sheegay Goobjoog News.

Khasaare dhimasho iyo dbaawac ayaa ka dhashay dagaalkani waxaana dhintay ku dhowaad 20 qof oo labada dhinac ah iyo dhaawaca oo lagu soo warramayo in intaas uu ka badan yahay.

Mareegta Goobjoog News waxaa loo xaqiijiyay in mid kamid ah saraakiishii u sarreeysay ciidanka Jubbaland ee Dooloow ka baxay uu dagaalkaasi ku geeriyooday.

Dhanka kale, saraakiisha Jubbaland iyo maamulka gobolka Gedo oo aan la xiriirnay si dagaalka aan wax kaga weydiinno ayaa inooga cudur-daartay inay warbixin naga siiyaan, iyagoo ballanqaaday inay dib naga la hadli doonaan.

Xaaladda halka lagu dagaallamay ayaa saaka oo Talaado ah mid deggan oo aan wax dagaal ah ka jirin.

Goobjoog News