U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Buulo-burde, Hiiraan

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan, waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare.

Sida wararku ay sheegayaan, Al-shabaab ayaa weerar kusoo qaaday saldhig ay ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Buulo-burde, gaar ahaan duleedka degmadaasi.

Dadka deegaanka ayaa sheegay in Labada dhinac ay isku adeegsadeen hub aad u culus, iyadoo aan la ogeyn inta uu la egyahay khasaaraha dagaalka ka dhashay.

Saraakiil ka tirsan ciidanka DFS ayaa sheegay iney iska difaaceen Al-shabaab, islamarkaana ay khasaare soo gaarsiiyeen.

Xaaladda degmada Buulo-burde ayaa ah mid deggan, iyadoo ciidanka xoogga dalka iyo kuwa AMISOM wadaan dhaq-dhaqaaqyo ciidan.

Goobjoog News