U bood dhigaalka

Dagaal Dib Uga Billawday Magaalada B/weyne

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan ayaa waxay sheegayaan inuu sii xoogeystay dagaalkii ka socday magaaladaasi iyadoo dhanka kale ay xiran yihiin adeegyadii ganacsiga ee magaalladaasi.

Maleeshiyo beeleedkii ku dagaallamay Baladweyne gaar ahaan xaafadda Howlwadaag ayaa saaka dib dagaal u billaabay, iyadoo lasoo sheegayo in dagaalka saaka uu ka xooggan yahay kuwii dhacay Labadii maalin ee lasoo dhaafay.

Wariyaha Goobjoog ee gobolka Hiiraan Khaalid Ilka Case ayaa soo sheegaya inay jiraan dad ku dhaawacmay dagaalladan oo ku go’doonsan xaafadda howlwadaag lana la yahay meel dhaawacyadooda lasoo marsiiyo.

Khasaare dhimasho iyo dhaawac ah ayaa jira laakiinse lama xaqiijin karo tirada rasmiga ah inta ay la egtahay.

Ma jirto waddo loogu gurmado dadkan dhaawaca ah, sababtuna waxay tahay Buundadii la mari lahaa oo dagaalka ka socdo iyo waddooynkii kale oo ay xireen daadka Wabiga Shabelle.

Dhanka kale saaka guud ahaan wax ganacsi ah kama jiro magaalada Baladweyne kadib markii guud ahaan magaaladaasi kusoo rogmadeen daad ka yimid dhanka dalka Itoobiya.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News