U bood dhigaalka

Dagaal Dib Uga Bilowday Bariga Gobolka Mudug

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya maleeshiyaad kala taabacsan maamul goboleedyada Puntland iyo Galmudug ayaa lagu soo waramayaa inuu ka socdo deegaanno ku dhow deegaanka Godod ee Bariga gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa bilowday saakay waabarigii, waxaana wararku ay sheegayaan in Labada dhinac ay isku adeegsanayaan rasaas xooggan, waxaana jira khasaare kala duwan.

Inta la xaqiijiyey dagaalkan socda waxaa ku dhintey ugu yaraan 2 qof, iyadoo 7 kalena ay ku dhaawacmeen, waxaana dadka dhaawacmay qaarkood loo soo qaaday dhanka magaalada Gaalkacyo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News