U bood dhigaalka

Dagaal Gobalka Sanaag Ku Dhexmaray Ciidamada Soomaaliland Iyo Kuwa Puntland

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno gobolka Sanaag ayaa waxa ay sheegayaan in gobolkaasi ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsan maamulada Soomaaliland iyo kuwa Puntland, waxaana dagaalaasi ka soo baxaya warar kala duwan.

Dagaalkan ayaa yimid ka ka dib markii ciidamo ka tirsan Soomaaliland ay ka ka soo ruqaansadeen magaalada Yuubbe iyaga oo soo gaaray magaalada Hadaaftimo oo qiyaastii 30 km dhanka galbeed kaga beegan Ceerigaabo sidaasina ay fooda isku dareen labada ciidan.

Sida uu soo sheegayo Weriyaha Goobjoog News ee gobalkaasi waxaan wali la xaqiijin khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka maanta Hadaaftimo ku dhexmaray ciidamada Soomaaliland iyo kuwa dowlad goboleedka Puntland.

Dhawaqa rasaasta ayaa wali laga maqlayaa magaalada, iyada oo dadka deegaanka ay cabsi xooggan ka muujinayaan dagaalkan.

Dagaalkan ayaa ku soo aadaya xilli shalay magaalada Laasqoray ay ku dagaalameen ciidamo kala taabacsanaa guddoomiyaha gobalka Sanaag iyo barasaabka Soomaaliland ee Badhan.

Goobjoog News