U bood dhigaalka

Dagaal Ka Bilawday Deegaanka Leego Ee Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ayaa saaka ka bilawday deegaanka Leego ee gobalka Shabellaha Hoose, waxaana la’isku adeegsanayaa hub culus.

Wararka aynu helayno waxay sheegayaan in Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xarun ciidamada AMISOM ay ka deganaayeen deegaankaasi, waxaana weerarka uu ka bilawday gaari laga soo buuxiyay walxaha qarxa oo halkaasi Al-shabaab la eegteen.

Intaasi ka dib ayaa la sheegay in goobta uu ka bilawday dagaal xoogan, waxaana dagaalka uu qarxay saaka abaare Salaadii Subax.

Dad ku dhaw halka dagaalka uu ka socdo waxa ay inoo xaqiijiyeen in weli la maqlayo rasaasta ay Labada dhinac isku adeegsanayaan.

Khasaaraha halkaasi ka dhashay weli ma cadda, mana jirto wax faah faahin ah oo ay bixiyeen dhinacyadan dagaallamaya.

Dhinaca kale Al-shabaab ayaa xalay weeraray Seddax xarun oo ay ku sugnaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM, mana lasoo sheegin khasaaraha weeraradaasi ka dhashay.

Tani ayaa imaanaysa xilli Al-shabaab ay sheegeen in Bisha Ramadaan ay xoojinayaan weerarada ka dhanka ah dowladda Federaalka iyo AMISOM.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.

Goobjoog News