U bood dhigaalka

Dagaal ka dhacay Buurdhuubo iyo gurmad la gaarsiinayo dadka ay saameysay abaarta gobolka Gedo

Sheeko:Dalka

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaal Ciidamada Dowladda kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-Shabaab ku dhexmaray Nawaaxiga degmada Buurdhuubo ee Gobolka Gedo.

Afhayeenka Ciidamada Milateriga Dowladda ee Gobolka Gedo Jaamac Muuse ayaa sheegay in Dagaalkan uu ku bilowday weerar ay Xarakada Al-Shabaab ku soo qaadeen ciidamadan oo ku sii jeeda dagmada Buurdhuubo ee Gobolkaasi,

Waxa uu intaasi raaciyay in dagaalkaasi ay qasaaro ku gaarsiiyeen ragii wererarka ku soo qaaday Ciidamada Dowladda iyo kuwa Itoobiya.

Dhanka kale, Guddi abaaro oo looga dhawaaqay degmada Garbahaarey ayaa sheegay inay maanta billaabi doonaan gurmad ay gaarsiinayaan dadka iyo duunyada halkaa ku dhaqan.

Guddoomiyaha guddigaasi C/laahi Sheekh Axmed oo u warramay Goobjoog FM ayaa sheegay in hadda ay jiraan raashin iyo gurmad kale oo gobalka loogu tala-galay kuwaasoo ka soo gaaray dowladda Soomaaliya iyo Jaaliyadaha gobalkaasi Gedo.

Waxa uu hoosta ka xariiqay in meelaha qaar biyo la’aanta ka jirta ay sababtay cadurro kamid ah calool xanuun ku dhacay carruurta iyo dadka waa weynba.