U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Baardheere Ee Gedo

Sheeko:Dalka

Xaaladda degmada Baardheere ee Gobalka Gado ayaa saakay lagu soo waramaya in ay degan tahay,kadib dagaal habeenkii xalay halkaa ka dhacay.

Dagaalka ayaa ka dhacay Xero ciidan oo ku taalla galbeedka magaalada Baardheere oo magaalada u jirtaa 3 KM, waxaana weeraray rag hubeysan oo loo malaynayo inay ka tirsan yihiin Al-shabaab.

Dadka degaanka ayaa Goobjoog u xaqiijiyay in hubka fudfudud iyo kan culus intaba ay isku adeegsanayeen labada dhinac.

Xeradani waxa ay saldhig u tahay ciidamada dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM , gaar ahaan dowladda Kenya kuwa ka socda.

Saraakiisha Ammaanka degmada baardheere iyo maamulka degmadaas intaba wali kama aysan hadlin dagaalkii habeenkii xalay dgemada baardheere ka dhacay iyo sidoo kale khasaaraha halkaasi ka dhashay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News