U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Dhoobley Ee J/hoose

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Dhoobley ee gobolka Jubada Hoose ayaa waxay sheegayaan in halkaasi uu ka dhacay dagaal u dhaxeeyay ciidamada Jubbaland oo garab ka helaya kuwa Kenya ee AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday sida la sheegay duleedka degmadaasi gaar ahaan ciidamada is garabsanaya oo halkaasi ku sugnaa.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana la sheegayaa in weli rasaas ay halkaasi ka socoto.

Qof ku sugan degmada Dhoobley ayaa inoo sheegay in dagaalkan uu ka soconayo fariisin ay ciidanka Kenya ku leeyihiin duleedka degmada Dhoobley.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News