U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada Xarakada Al-shabaab iyo kuwa deegaanka ah ayaa habeenkii xalay ahaa waxa uu ka dhacay degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha Hoose, waxaana ka dhashay dagaalkaas Khaasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Xarakada Al-shabaab ayaa weerarka ku soo qaaday degmadaasi abaare 10-kii Fiidnimo ee Xalay, waxaana uu dagaalka socda illaa iyo 4-tii habeennimo.

Gudoomiyaha degmada Qoryooley Maxamed Sheekh Cismaan oo u waramay Goobjoog News waxa uu sheegay in dhimasho iyo dhaawac ay jirto, balse ma aanu xaqiijin khasaaraha inta uu la egyahay tiro ahaan.

Gudoomiyaha ayaa dhinaca kale sheegay in aysan jirin ciidamo ka tirsan dowladda oo ku sugan degmada Qoryooley, kuwaasi oo uu tilmaamay in bil kahor ay isaga baxeen degmadaasi.

“Al-shabaab ayaa nasoo weerartay, waxaa na difaacay ciidamada deegaanka ee madaniga ah, ciidan dowladda ah ma joogaan degmada oo waxa ay naga tageen bil kahor Booliis iyo Milatari intaba, iyadoo aysan dhibaato kala kulmin dadka deegaanka ama Al-shabaab, degmada AMISOM ayaa joogta, waxaana ay xeryahooda ku xaroodaan galabtii 10-saac, illaa subaxdii Afar Saacna meesha ayeey ku jiraan, shacabkii iyo ganacsatadii aad bay qalqal u qabaan, waxaana ay ka baqayaan in Shabaab ay degmada si sahal ah kula wareegaan, anagane ciidanka na difaacaya hub badan ma haysto” ayuu yiri gudoomiyaha.

Dhanka kale Al-shabaab wax war ah kama aanay soo saarin weerarka ay ku qaadeen degmada Qoryooley ee gobalka Shabellaha hoose, inkastoo aanay ahayn markii ugu horeysay oo degmadaasi weeraraan.

Goobjoog News.