Dagaal Ka Dhacay Degmada Qoryooley Ee Shabellaha Hoose

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Qoryooley ee gobolka Shabellaha Hoose.

Al-shabaab ayaa weerar ku qaaday saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku lahaayeen duleedka degmadaasi, waxaana ka dhashay khasaare kala duwan.

Saraakiil ka tirsan ciidanka xoogga dalka ayaa u sheegay warbaahinta in dagalakaasi ku dileen 4 ka mid ah dagaalyahannada Al-shabaab, dhanka ciidanka dowladana uu Hal askari ka dhaawacmay.

Ururka Al-shabaab ayaan weli dhankooda wax war ah laga hayn, iyadoo saakayna xaaladdu tahay mid deggan,walow ay dhaq-dhaqaaqyo wadaan ciidanka dowladda.

Al-shabaab ayaa maalmahan dambe xoojiyey weerarada ay ku qaadayaan ciidanka xoogga dalka, xilli ciidanka dowladda ay la wareegeen deegaanno dhowr ah oo ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW