U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Duleedka Degmada Waajid

Sheeko:Amniga

Ciidanka xoogga dalka iyo kuwa Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar ay xoogag ka tirsan Al-Shabaab ay  maanta kusoo qaadeen  degmada  Waajid ee gobolka Bakool.

Dagaal kooban oo ka dhacay duleedka Degmada Waajid ayaa ayey ciidanku waxaa ay sheegeen in ay ku jabiyeen Shabaabkii  weerarka soo qaaday sida ay hadalka u dhigeen.

Sarkaal ka tirsan ciidamada Koonfur Galbeed oo la hadlay warbaahinta Qaranka ayaa sheegay inay ka hortageen weerarkii Al-Shabaab ay soo qaadeen, waxaana uu hadalkiisa raaciyey in ay jabiyeen.

Degmada Waajid ee Gobolka Bakool ayaa waxaa ay kamid tahay magaalooyinka waaweyn ee gobolka Bakool, 8 Maarso 2014 ayey ciidamada xoogga iyo AMISOM ay la wareegeen degmada.

Goobjoog News