U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bari

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyey ciidamada maamulka Puntland iyo kuwa Al-shabaab ayaa xalay ka dhacay deegaanka Balli Qadar ee gobolka Bari, waxaana dagaalkan uu geystay khasaare kala duwan.

Al-shabaab ayaa la xaqiijiyey in dhowr jiho ay weerar kaga soo qaadeen saldhig ay ciidamada badda Puntland ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacado socday.

Ku dhowaad 5 qof oo Labada dhinac ah ayaa la xaqiijiyey in dagaalkan ay ku dhinteen, iyadoo dhaawacna uu jiro.

Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka waxay u sheegeen in ay cagta mariyeen guud ahaan saldhiggan.

Puntland dhankeeda weli wax war ah kama aanay soo saarin dagaalkan ka dhacay deegaanka Balli Qadar.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News