U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Gobolka Shabeellaha Dhexe

Sheeko:Dalka

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo iskaabaya ayaa maanta la wareegay degaanka Miirtuugo oo ay degganaayeen Alshabaab.

Sida ay sheegayaan dadka degaanka ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa degaankaasi oo hoostaga degmada Mahadaay kula dagaallamay dagaalyahannada Xarakada Alshabaab.

Dagaal kadib ciidamada huwanta ah ayaa la wareegay degaanka Miirtuugo ee degmada Mahadaay waxaana la soo sheegayaa in hadda xoogaa xaaladda ay yara kacsan tahay.

Col. Cumar Cali oo kamid ah saraakiisha ciidanka dowladda ee gobolka Shabeellaha Dhexe ayaa u sheegay Goobjoog News in ciidanka dowladda ay si buuxda gacanta ugu dhigeen degaankaasi Miirtuugo ee degmada Mahadaay hoos yimaada.

Warar aynu helnay ayaa sheegaya in dagaalka markii uu billowday kadib dadweynihii degaankaasi ay isaga baxeen, waxaana suurtagal noqon karta in dad shacab ah uu khasaare dhimasho iyo mid dhaawac ka soo gaaray marka laga soo tago dhinacyada dagaallamay oo khasaaraha ugu badan uu gaaray.

Dhowr jeer oo hore ayaa ciidanka dowladda sidan oo kale inta ay ula wareegeen degaanno ay maamulaysay Alshabaab haddana dib kaga soo laabtay.

Goobjoog News