U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Hiiraan

Sheeko:Amniga

Dagaal u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya oo garabsanaya AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay waxa uu ka dhacay degmada Buulo-burde ee gobolka Hiiraan.

Xubno ka mid ah Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar ay ku qaadeen saldhigyo ay ciidankan ku lahaayeen Buulo-burde, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal saacad ka badan socday.

Lama soo sheegin illaa iyo hadda wax khasaare ah oo ka dhashay dagaalkaasi, waxaana lagu soo waramayaa in ciidanka dowladda iyo kuwa AMISOM iska caabiyeen Al-shabaabkii soo weeraray.

Xaaladda degmada Buulo-burde waa ay deggan tahay, iyadoo saraakiisha ciidanka ee ku sugan degmadaasi sheegeen in ay khasaare gaarsiiyeen dhanka Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa maalmahan dambe waxay kordhiyeen weerarada ay ku qaadaan xarumaha ciidanka DFS ku leeyihiin gobollada dalka.

Goobjoog News