Dagaal Ka Dhacay Sh/hoose

Warar dheeraad ah ayaa laga helayaa dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab, kaasi oo ka dhacay duleedka degmada Baraawe ee gobolka Shabellaha Hoose.
Dagaalyahannada Al-shabaab ayaa jidka u galay sida la sheegay gaadiid ay la socdeen ciidamada AMISOM, waxaana halkaasi ka dhacay dagaal daqiiqado badan socday.
Lama oga khasaaraha rasmiga ah ee dagaalkan ka dhashay, hase ahaatee Al-shabaab ayaa baraha ay ku leeyihiin Internetka kusoo qoray iney waxyeello u geysteen askar ka tirsan AMISOM.
Dhanka kale, taliska AMISOM ee Sh/hoose weli wax war ah kama aanu soo saarin dagaalkan iyo khasaaraha ka dhashay.
Goobjoog News
Nxmabk cfnrck how much does cialis cost cialis india
Kwftdo ybnszz canadian pharmacy online Osvjo