U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Shabellaha Dhexe

Sheeko:Amniga

Dagaal xooggan oo u dhaxeeyey ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya iyo kuwa Al-shabaab ayaa saakay ka dhacay duleedka magaalada Jowhar ee xarunta gobolka Shabellaha Dhexe.

Al-shabaab ayaa la sheegay in weerar gaadmo ah kusoo qaadeen saldhig ay ciidanka xoogga dalka ku leeyihiin deegaanka Keli Waraabow, oo dhanka galbeed 4-km ka xiga magaalada Jowhar, waxaana la isku adeegsaday rasaas culus.

Weli lama oga khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalkan, iyadoo aanay ka hadlay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Ciidanka xoogga dalka ayaa howlgallo ballaaran waxay ka wadaan qaar ka mid ah gobollada dalka, iyadoo deegaanno ka tirsan gobolka Shabellaha Hoose kala wareegeen Al-shabaab.

Al-shabaab ayaa iyaguna dhankooda waxay maalmahan dambe kordhiyeen weerarada ay ku qaadayaan xarumaha ay ciidanka xoogga dalka ka deggan yihiin gobollada dalka.

Goobjoog News