U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhashay Gabar La Kufsaday Oo Ka Dhacay Mudug

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Dhagtuur ee hoostaga gobalka Mudug ayaa sheegaya in dagaal khasaaro geystay uu ku dhex maray deegaanka laba maleeyshiyo beeleed oo wada dega.

Dagaalka ayaa sida wararka ay sheegayaan waxa uu ka dhashay gabar xalay lagu kufsaday deegaanka, taas oo ka soo jeedda labada meel ee dirirta ay dhex martay mid ka mid ah.

Illa iyo hadda inta la xaqiijiyay seddax qof ayaa ku dhimatay dagaalka oo saacado badan ka socday deegaanka Dhagtuur ee gobalka Mudug.

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka ayaa lagu soo waramaya in ay ku baxeen dagaalka si loo kala qaado beelaha halkaas isku heysta.

Galmudug ayaa inta badan waxaa deegaanadeeda ku soo noqnoqda dagaalada u dhaxeeya beelaha wada dega maamulkaas ee ku saleysan aanooyinka qabiil iyo dhibaatooyin kale.

Goobjoog News