U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Deegaanka Ka Tirsan Gobolka Baay

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa maamulka Koonfur Galbeed iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah ayaa ka soca deegaanka Goofgaduud Buurey ee gobolka Baay.

Wararka ayaa waxay sheegayaan in dagaalyahannada Al-shabaab ay weerar ku qaadeen fariisin ciidanka dowladda ku lahaayeen deegaankaasi, waxaana la isku adeegsanayaa hub culus.

Waxaa hawada ka maqan isgaarsiinta deegaankan lagu dagaallamayo, iyadoo Al-shabaab ay baraha ay ku leeyihiin Internetka ku shaaciyeen iney la wareegeen deegaankaasi.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan Koonfur Galbeed oo ku sugan deegaanka Goofgaduud Shabeelow oo ku dhow deegaanka Goofgaduud Buurey ayaa u sheegay warbaahinta in weli dagaalka uu socdo islamarkaana aanu jirin wararka ay Al-shabaab sheegeen ee ah iney qabsadeen deegaankaasi.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News