U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Magaalada Marka Ee Gobalka Shabellaha Hoose

Sheeko:Dalka

Wararka saaka ka imaanaya magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in halkaasi uu ka socdo dagaal la sheegay in salka uu ku hayo Qabiil.

Dagaalkaan ayaa xalay la sheegay in uu ka bilawday magaaladaasi, hase ahaatee saaka ayaa la sheegayaa in dhinacyadii xalay dagaallamay ay hadana dib isugu laabteen.

Inta la xaqiijiyay Laba qof ayaa halkaasi ku dhimatay, iyadoo dagaalkaan uu ka socdo xaafado ka mid ah magaalada Marka.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaaladaasi ayaa u sheegay Goobjoog News in rasaas xoogan ay maqlayaan, islamarkaana dadka shacabka ay yihiin kuwo guryahooda ku gambanaya.

Ma jirto ciidamada AMISOM ee ku sugan magaaladaasi kala dhex gal ay ku sameeyeen dhinacyadaan dagaallamaya, waxaana laga baqayaa in khasaaraha uu intaasi kasii bato.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News