U bood dhigaalka

Dagaal Ka Socda Qod-qod, Mudug

Sheeko:Amniga

Waxaa uu hadda dagaal ka socdaa deegaanka Qod-qod oo ah goob u dhaxeysa Camaara iyo Xinlabi ee gobolka Mudug.

Dagaalkan ayaa u dhaxeeya ciidamo uu wato Gen. Saadaq Cumar Xasan(John) iyo kuwa Al-shabaab ayaa la sheegayaa in ay soo qaadeen Al-shabaab, iyada oo la isku adeegsanayo hub culus.

Wararka ayaa intaas ku daraya in ciidamada John ay kusii jeedaa deegaanka Camaara oo hadda gacanta ugu jira dagaalyahanno ka tirsan Al-shabaab, Camaara iyo deegaanka Qod-qod waxaa ay isu jiraan wax ka yar 20KM.

Iyada oo 7 maalin ka tirsan tahay doorashada guud ee Soomaaliya ayaa Galmudug waxaa ay waddaa dagaal ka dhan ah Al-shabaab, lamana oga meesha ay gaari doonaan.

Goobjoog News