U bood dhigaalka

Dagaal ka socdo gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Jicibow oo hoostaga degmada Buulaburte ee gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in uu ka socdo dagaal u dhaxeeyo ciidamada dowladda oo kaashanaya dadka deegaanka iyo ururka alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid kadib markii ciidamada xoogga dalka ay weerar ku qaadeen deegaanka oo ay ku sugnaayeen ururka alshabaab.

Warka soo baxay ciidamada ayaa lagu sheegay in ciidanku ay ka warhelen in ay alshabaab xubna ka tirsan ay isku urursanayaan deegaanka Jicibow.

Illaa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaal, waxaana wararka ay sheegayaan in dagaalka oo bilaabmay subaxnimadii hore ee saaka uu illa iyo hadda ka socdo deegaanka.

Ciidanka dowladda iyo dadka deegaanka ayaa muddooyinkii la soo dhaafay howlgallo iyo dagaallo ku qaadayay goobaha ay ku sugan yihiin ururka alshabaab.

Goobjoog News