U bood dhigaalka

Dagaal Khasaare Sababay Oo Ka Socda Degmada Caabudwaaq Ee Gobalka Galgaduud

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya degmada Caabudwaaq ee gobalka Galgaduud ayaa ku waramaya in halkaasi uu ka socdo dagaal u dhaxeeya Ciidamo loogu tala galay in amniga ay sugaan iyo Maleeshiyaad is uruursaday.

Dagaalkaan ayaa degmada ka bilawday xalay saq dhexe, iyadoo illaa iyo saaka uu halkaasi ka soconayo.

Qof ku sugan degmada Caabudwaaq ayaa Goobjoog News u sheegay in dagaalka uu yahay mid xoogan, islamarkaana inta ay ka war hayaan halkaasi ay ku dhaawacmeen ku dhawaad 5 qof oo u badan dhinacyada dagaallamaya.

Khasaaraha ayaa intaasi kasii badan karo, waxaana dagaalka uu yahay mid kusii faafaya xaafadaha degmadaasi.

Ma jirto maamul ama Odayaal dhaqameed soo kala dhex galay dhinacyadaan dagaallamaya, waxaana dagaalkaan uu saameyn ku yeeshay isku socodkii dadweynaha, waxaana sidoo kale xiran goobihii ganacsiga ee degmada Caabudwaaq.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News