U bood dhigaalka

Dagaal khasaaro gaystay oo ka dhacay gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka maga soo gaayo magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in deegaan lagu magacaabo Beerxaani oo magaalada ka xiga dhanka galbeed uu dagaal ku dhexmaray ciidamada dowladda iyo ururka alshabaab.

Dagaalka ayaa yimid sida la sheegay kadib weerar ay alshabaab deegaanka ku qaadeen, waxaana dadka deegaanka oo kaashanaya ciidamada dowladda ay iska caabiyeen weerarka kaga yimid Alshabaab.

Waxaa jiro khasaaro kala duwan oo ka dhashay dagaalka oo waaberigii hore ee maanta dhacay, mana cadda khasaaraha rasmiga ah ee dagaalka.

Maamulka gobalka Hiiraan iyo kan dowlad gobaleedka Hirshabeelle ayaan dhankooda weli ka hadli dagaalka ka dhacay galbeed magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Goobjoog News