U bood dhigaalka

Dagaal Khasaaro Geeystay Oo Ka Dhacay Degmada Jalalaqsi

Sheeko:Amniga

Wararka Naga soo gaaraya degmada Jalalaqsi ee Gobalka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal socday muddo saacado ah , ku dhex Ciidamada Jabuti ee qeybta ka howla galka midawga Nabad Ilaalinta Afrika AMISOM, iyo Ururka Al-shabaab .

Dagaalka ayaa yimid kadib markii Saldhig Ciidmada AMISOM, ku leeyihiin degmada Jalalaqsi ay xalay Saqdii dhexe ay weerar ku qaadeen xubna ka tirsan Ururka Al-shabaab.

Qaar ka mid ah dadka deegaanka oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in xalay xilli danbe ay maqlayeen dhawaa rasaasta labada dhinac ay isweedaar sanayeen .

Illaa hadda macadda qasaarah rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Ciidamaa AMISOM iyo Al-shabaab ku dhex maray degmada Jalalaqsi .

Sikastaba  Saraakiisha Ciidamada AMISOM & kuwa dowladda ee degmada Jalalaqs, ma jirto cid weli ka hadashay dagaalka .