U bood dhigaalka

Dagaal Markale Dib Uga Qarxay Magaalada Laascaanood

Sheeko:Amniga

Magaalada Laascaanood ee xarunta gobolka Sool ayaa Saakay  waxaa markale ka  qarxay dagaalka u dhaxeeya ciidamada Milatariga Somaliland iyo ku deegaanka ee la magac baxay xoogagga SSC, waxaana warar dheeraad ah laga helayaa dagaalka socda, magaalada ayaa 48-kii saac ee lasoo dhaafay ku jirtay xaalad deganaan ah.

Wararka naga soo gaarayo magaalada ayaa sheegaya in la maqlayo Rasaas aad u xooggan oo labada dhinac ay isku ridayaan, dagaalka ayaa ka dhacay duleedka Waqooyi ee magaalada oo maalmahaan ay isku horfadhiyeen dhinacyada, iyadoo ay soo kala gaareen gurmadyo kale duwan, dagaalka Laascaano ayaa  bil jirsaday.

Dhanka kale ciidamada Somaliland ayaa waxaa lasoo warinayaa in ay madaafiic ay ku garaacayaan magaalada Laascaanood, dagaalka ayaa yimid xilli la filayay inuu dhaqan geli karo waanwaan ay garwadeen ka aheen dowladda kale duwan, iyadoo u muuqata in ay meesha ka baxday maadama uu dib u qarxad dagaalka.

Ciidamada Somaliland iyo xoogga deegaanka ayaa dagaalka u dhaxeeya waxaa uu gaaray bil, iyadoo wali dhinacyadu ay ku dagaalamayaan duleedka magaalada, gaar ahaan Saldhigga Goojacadde meel aan ka fogeyn, ciidamada Somaliland ayaa ka baxay dhowr fariisin oo ay ku sugnaayeen sida deegaanka Tukoraq.

Goobjoog News