U bood dhigaalka

Dagaal qasaare sababay oo ka dhacay degmada Buulo burde ee gobalka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya oo garab ka helaaya kuwa AMISOM iyo Xarakada Al-shabaab oo dhinac ah ayaa xalay ka dhacay duleedka degmada Buulo burde ee gobalka Hiiraan, waxaana dagaalkaan uu sababay qasaare dhimasho iyo dhaawac isugu jirta.

Dad ku sugan halkaasi ayaa u sheegay Goobjoog Fm in ay ku dhinteen dagaalkaan Shan qof, waxaana sidoo kale jira dhaawac intaasi ka badan.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalkaan uu qarxay ka dib markii ciidamada Al-shabaab ay si lama filaan ah kusoo weerareen fariisin halkaasi ku lahaayeen ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM.

Xaaladda guud ee degmada Buulo Burde saaka waa mid degan, mana jiro wax faah faahin ah oo dagaaladaasi kasoo saareyn dhinacyadii halkaasi ku diriray.

Goobjoog News