U bood dhigaalka

Dagaal Ka Dhacay Degmada Dhuusamareeb Iyo Ciidamada Dowladda Oo Si Buuxda Ula Wareegay Degmadaasi

Sheeko:Dalka

dagaal kululDagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo kuwa Ahlu-sunna Waljameeca ayaa saaka ka dhacay degmada Dhuusa Mareeb ee gobalka Gal-gaduud, kaa oo qasaare sababay.

Dagaalkaan oo socday in ka badan 1-saac, ayaa wararka waxay sheegayaan in duulaankiisa ay lahaayeen ciidamada Ahlu-sunna Waljameeca oo xalay isku soo uruursaday duleedka Dhuusamareeb ka dib markii ciidamada dowladda ay shalay si nabad galyo ah halkaasi ula wareegeen.

Dagaalka ayaa markii hore kusoo fiday xaafado badan oo ka mid ah degmadaasi, hase ahaatee ciidamada dowladda ayaa markii dambe waxaa u suurta gashay in guud ahaan ay la wareegaan degmadaasi, iyadoo ciidankii Ahlu-sunna halkaasi laga wada saaray.

Qasaaraha halkaasi ka dhashay in kastoo aan si buuxdo weli loo helin ayaa hadana warar horudhac ah oo ay heshay Goobjoog Fm, waxay sheegayaan in halkaasi ay ku dhaawacmeen ilaa Seddax Askari oo dhinacyadii dagaalamayay ka kala tirsan.

Hadaba xiisadaan ayaa bilaabatay ka dib markii ciidamo kale oo ka mid ah Ahlu-sunna ay shalay dagaal ku qabsadeen degmada Guriceel oo xarun u ah dowladda Federaalka, iyaga oo halkaasi Laba Askari ku dilay, hase ahaatee ciidamada dowladda oo taas jawaab ka bixinaya ayaa si nabad galyo ah ula wareegay Degmada Dhuusamareeb.

Dhinacyadaan dagaalamaya arimaha ugu weyn ay isku hayaan waxaa la sheegayaa in ay tahay arinta ku aadan dhismaha maamulka lagu mideynayo gobalada Mudug iyo Gal-gaduud.

Gobalka Gal-gaduud waxaa ku sugan ciidamo Itoobiyaan ah kana mid ah howlgalka AMISOM, ilaa iyo haatan wax go’aan ah oo ku aadan dagaalada u dhaxeeya ciidamada dowladda iyo kuwa Ahlu-sunna ma aanay qaadan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale.