U bood dhigaalka

Dagaal Saakay Ka Socda Magaalada Gaalkacyo

Sheeko:Dalka

Wararka ka imaanaya magaalada Gaalkacyo ee gobolka Mudug ayaa waxay sheegayaan in halkaasi saakay uu dib uga billowday dagaallo u dhaxeeya ciidamada maamullada Puntland iyo Galmudug.

Goob joogayaal ku sugan Gaalkacyo ayaa u sheegay Goobjoog News in dagaalka uu yahay mid xooggan, islamarkaana la isku adeegsanayo hub culus.

Lama oga khasaaraha ka dhashay dagaalkan, waxaana uu ka soconayaa dhanka galbeed ee magaalada.

Gaalkacyo ayaa maalmihii ugu dambeeyay waxaa sidan oo kale uga dhacayey dagaallo u dhaxeeya maamullada Puntland iyo Galmudug, waxaana ay geysteen dagaalladan khasaare kala duwan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News