U bood dhigaalka

Dagaal U Dhaxeeya Ciidamada Dowladda Iyo Al-shabaab Oo Ka Dhacay Gobalka Hiiraan

Sheeko:Amniga

Wararka naga soo gaarayo deegaanka Booca oo qiyaastii 25km u jira magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan ayaa sheegay in uu dagaal saacadihi la soo dhaafay deegaanka uu ku dhexmaray ciidama ka tirsan kuwa dowladda iyo ururka al-shabaab.

Dagaalka ayaa bilawday kadib markii ciidamada dowladda ay weerar ku qaadeen maxkamad la sheegay in ururka al-shabaab ay ku lahaayeen deeganka.

Illa iyo hadda ma cadda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka ka socda deegaanka Booca ee hoostaga magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan.

Goobjoog News