Dagaal U dhaxeeya Ciidamada Dowladda Iyo Kuwa Jubbaland Oo Ka Socda Gobalka Gedo

Wararka Inaga Soo gaaraya magaalada Beledxaawo ee Gobalka gedo ayaa sheegaya in uu ka socdo dagaal qaatay muddo saacado ah kaas oo u dhaxeeyo ciidamo uu hogaaminayo Wasiirka Amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan, iyo ciidamo dhawaan dowladda ay geeysay magaaladaas.

 

Dagaalka oo Bilaawday xalay xilli danbo ayaa illa iyo hadda xaafadaha qaar ee magalada waxa laga maqlaya dhawaqa Rasasta qaar ay isweeydaar sanayaan Labada Dhinac.

Xaaladda magaalada Baladxaawo ayaa aad u adag saakay , iyadoo qeeybaha qaar ee magaalada ay asan ka jirin Isgaarsiinta .

Illaa iyo hadda macadda Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka , dowladda Soomaaliya ayaa dhamkeeda Guulo ka sheegatay dagaalka ka socdo Beledxaawo.

Xaafadaha Qaar ee magaalada ayaana lagu arkaya saaka Ciidamada uu hogaaminayo wasiirka Amniga Jubbland Cabdirashiid Janan .

Related Articles

2 Comments

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW