U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Galmudug Iyo Al-shabaab Oo Ka Socda Gobalka Mudug

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Mudug ayaa sheegaya in halkaasi uu ka billowday dagaal u dhaxeeya ciidamada Galmudug oo garab ka helaya ciidamo deegaan iyo Al-shabaab oo dhinac ah.

Dagaalkaan ayaa ka socda deegaannada Caad iyo Ceelcadde kuwaa oo ku dhaw degmada Xarardheere ee Koonfurta Mudug.

Ciidamada Galmudug ayaa la sheegay in ay lahaayeen weerarka dagaalkaan, iyadoo la’isku adeegsanayo hub culus.

Illaa iyo haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, hase ahaatee saraakiil u hadashay Galmudug ayaa sheegay inay dhanka Al-shabaab ay khasaare soo gaarsiiyeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News