U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidamada Kenya Ee AMISOM Iyo Al-shabaab Oo Ka Socda Gedo

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobalka Gedo ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada Kenya ee qeybta ka ah howlgalka AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah uu ka soconayo deegaan qiyaastii 30-km u jira deegaanka Ceelcadde ee gobalka Gedo.

Ciidamada Al-shabaab ayaa la sheegay in ay jidka u galeen ciidamada AMISOM, halkaasi oo hub culus la’isku adeegsanayo.

Deegaanka uu dagaalka ka socdo ayaa la sheegay inuu ka mid ahaa deegaan saaka ay duqeeyeen diyaaradaha dagaalka ee Kenya.

Illaa iyo haatan lama oga khasaaraha rasmiga ah ee halkaasi ka dhashay, waxaana dad ku dhaw halka lagu dagaallamayo ay sheegayaan in madaafiic culus ay Labada dhinac isku adeegsanayaan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News