U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidanka Dowladda iyo Al-shabaab oo Ka Qarxay Gobolka Galgaduud

Sheeko:Amniga

Wararka naga so gaarayo gobolka Galagaduud ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidanka xoogga dalka iyo Al-shabaab uu ka qarxay deegaanka Sinadhaqo oo hoostaga magaalada Dhuusamareed ee caasimadda maamulka Galmudug.

Ciidanka dowladda ayaa waxaa la sheegay in weerar lagu qaadeen Ceel biyood ku yaalla deegaanka Sinadhaqo, halkaas oo la sheegay in ay isku uruursanayeen dagaalamayaal ka tirsan Al-shabaab, sida lagu baahiyay wakaallada wararka qaranka.

Wararka ayaa waxaa ay sheegayaan in dagaalka uu yahay mid aad u culus, waxaana si dhab ah loo ogeyn khasaaraha ka dhashay dagaalka, maadaama dhulka lagu dagaalamayo intiisa badan uu yahay dhul ay degan yihiin dadka reer miyiga.

Dowladda federalka Soomaaliya ayaa maalmihii ugu dambeysay waxaa ay magaalada Dhuusamreeb ay geysan ciidan badan, kuwaas oo la sheegay in ay u jeedkoodu uu yahay in ay gaaraan deegaannada u dhaxeeya Dhuusamareeb iyo Ceelbuur.

Goobjoog News