U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidanka Dowladda Iyo Al-shabaab Oo Ka Socda Gobolka Hiiraan

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo gacan ka helaya kuwa AMISOM Iyo Xarakada Al-shabaab ayaa ka soconaya deegaanka Halgan ee gobalka Hiiraan.

Dagaalkani ayaa yimid kadim markii Al-shabaab ay weerar ku qaadeen xarun ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda Federaalka  ay ku leeyihiin deegaankaasi.

Saraakiisha deegaanka oo la hadlay Goobjoog ayaa xaqiijiyay jiritaanka dagaalkani iyo in weli deegaanka laga maqlayo hub xooggan oo ay isku adeegsanayaan labada dhinac.

Waxaa jira khasaare soo gaaray dadka shacabka ee halkaasi ka ag dhow balse lama xaqiijin karo guud ahaan khasaaraha inta uu la egyahay.

Ciidamada AMISOM ayaa ah kuwa ka socda dalka Itoobiya, waxaana dagaalkan u muuqdaa kuwo Al-shabaab ay kasoo baaraan dageen maadaama saacado badan la dagaallamayo.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News