U bood dhigaalka

Dagaal u Dhaxeeya Ciidanka Dowladda Iyo Kuwa Al-shabaab Oo Ka Socda Sh/dhexe

Sheeko:Dalka

Wararka naga soo gaaraya gobolka Shabellaha Dhexe ayaa waxay sheegayaan in dagaal u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa AMISOM iyo Al-shabaab oo dhinac ah uu ka billowday deegaanka Miir-tuug ee gobalkaasi.

Ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM ayaa la sheegay in waabarigii saaka ay qaadeen weerarka dagaalkaasi, iyadoo la maqlayo rasaas xooggan oo Labada dhinac is weydaarsanayaan.

Dagaalka oo aad u xooggan ayaan la ogaan karin khasaaraha ka dhashay dagaalkaan.

Deegaankaan lagu dagaallamo ayaa ka mid ah deegaannada hoostaga degmada Mahadaay ee gobolka Shabellaha Dhexe.

Waxaa inoo suurtagelin xiriir aynu la sameynay saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee gobolka Shabellaha Dhexe si aynu wax uga weydiinno khasaaraha ka dhashay dagaalkani.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News