U bood dhigaalka

Dagaal U dhaxeeya Maleeshiyo Beeleed Oo Ka Dhacay Duleedka Baladweyne

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa ka soo baxaya dagaalo u dhaxeeya Maleyshiyo beeleed oo subaxnimadii hore ee saka ka dhacay duleedka magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan .

Maleyshiyada oo kala taabacsan beelo walaala ah oo wada deegaanka  Doon Maleyka  oo hoos yimaada magaalada Baladweyne ayaa la sheegay in uu salka ku haayo Buundo laga dhisayo deeganka .

Wariyayaasha GoobJoog News  ee magaalada Baladweyne ayaa xaqiijiyay in maaleyshiyada uu socday dagaal kooda mudda saacada ah .

Wararka qaar ayaa sheegaya in labada Maleyshiyo beeled mid ka mid ah ay ogolaatay in deegaanka laga dhiso Buundada halka midda kale ay ka biya diiday arinkaa, halkaasne uu ka bilaabtay dagaalka .

 

Illaa iyo hadda ma caddda khasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay dagaalka Labada maleyshiyo beeleed ee wada dega deeganka Doon Maleyka oo hoostaga magaalada Baladweyne .

Wixii Faahfaahin ah oo ku soo kordha warkan kala soco GoobJoog News