U bood dhigaalka

Dagaal u dhaxeeyay AMISOM iyo Al-shabaab oo ka dhacay magaalada Marka (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada AMISOM iyo kuwa Al-shabaab ayaa maanta ka dhacay xaafadda Ruusiya ee magaalada Marka, waxaana dagaalkaasi laga helayaa faah faahin dheeraad ah.

Kolonyo ka mid ah ciidamada AMISOM oo maraayay xaafadaasi ayaa la sheegay in weerar ay kala kulmeen rag ka mid ah Al-shabaab, waxaana weerarkaan ku bilawday Bam gacanta laga tuuro.

Afar qof oo caruur u badan ayaa la sheegay in waxyeelo ay kasoo gaartay weerarkaasi, waxaana iska hor imaadkaan uu socday ku dhawaad Laba saacadood.

Mid ka mid ah dadka ku dhaqan magaalada Marka ayaa sheegay in xaaladda hadda ay degan tahay, balse waxaa jira wal wal ay qabaan dadka shacabka ah.

Magaalada Marka gaar ahaan xaafada Ruusiya waxaa ka dhaca falal sidaan oo kale ah, waxaana inta badan xaafadaasi ka barakacay dadkii deganaa.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News