U bood dhigaalka

Dagaal u dhaxeeyay ciidamada dowladda Federaalka iyo Al-shabaab oo ka dhacay duleedka Afgooye (Dhageyso)

Sheeko:Dalka

Dagaal xoogan oo u dhaxeeya ciidamada dowladda Federaalka ee Soomaaliya iyo Al-shabaab ayaa habeenkii xalay ahaa ka dhacay deegaanka Sabiib ee duleedka degmada Afgooye.

Wararka waxay sheegayaan in dagaalkaan uu bilawday ka dib markii ciidamada Al-shabaab ay weerar ku qaadeyn fariisin ciidanka dowladda Soomaaliya ku lahaayeen deegaankaasi.

Mayoow Yaroow oo ah gudoomiyaha deegaanka Sabiib ee dagaalka ka dhacay ayaa u sheegay Goobjoog Fm in halkaasi uu ka dhashay qasaare dhaawac u badan, balse tirada rasmiga ah ma aanu inoo sheegin.

Xaaladda guud ee halkii lagu dagaalamay waa mid aad u degan, waxaana wararka ay sheegayaan in ciidamada saaka aanay wadin wax howlgal ah, ayna joogaan fariisinkii dagaalka ka dhacay.

Halkaan hoose ka dhageyso Wariyaha Goobjoog Fm ee Shabeelaha Hoose Maxamed Cabdi Xasan oo sharaxaya sida uu dagaalka u dhacay.

Goobjoog News