U bood dhigaalka

Dagaal Xooggan oo Al Shabaab iyo Ciidanka AMISOM Ku Dhexmaray Shabeellaha Hoose

Sheeko:Amniga

Wararka aan ka helayno deegaanka lambar 60 ee gobalka Shabeelaha hoose ayaa waxa ay sheegayaan in halkaasi saacadihii la soo dhaafay uu dagaal aad u qaraar ku dhexmaray ciidanka AMISOM iyo dagaalamayaal ka tirsan dhaqdhaqaaqa Al shabaab waxaana dagaalkaasi ka dhashay khasaare kala duwan.

Dagaalka ayaa yimid ka dib markii dagaalamayaal ka tirsan Al shabaab ay weerar gaadmo ah ku soo qaadeen fariisin ciidanka AMISOM ay ku lahaayeen deegaankaasi waxaana intaas ka dib labada dhinac dhex maray dagaal socday in ka badan saacad.

Dadka deegaanka ayaa laga soo xigtay inay maqlayeen daryanka hubka nuucyaddiisa kala duwan, waxaana ay sidoo kale intaas ku dareen inaysan xaqiijin Karin khasaaraha dhabta ah ee soo gaaray dhinacyadii dirirtu dhexmartay.

Wali ma jirto wax war ah oo ka soo kala baxay saraakiisha AMISOM iyo dagaalamayaasha Al shabaab oo ay uga hadlayaan dagaalkan iyada oo ay xusid mudan tahay in mararka dagaallada caynkaan ah ay dhexmaraan labadaasi dhinac inay ka kala sheegtaan guulo.

Al shabaab ayaa fariisimada ay AMISOM ku leeyihiin gobalka Shabeellaha hoose waxa ay ka geystaan weeraro gaadmo ah oo mararka qaar ay khasaaro ku gaarsiiyaan ciidankaas maadama Al shabaab ay wali ku xoogan yihiin Koonfurta Soomaaliya.

Goobjoog News