Dagaal Xooggan Oo Dib Uga Qarxay Galbeedka Gaalkacyo

War degdeg ah oo iminka naga soo gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa sheegaya inuu sii xoogeystay dagaalka dhanka galbeed ee magaaladaasi.

Maanta ayaa gudaha Gaalkacyo laga maqlayay dhawaqa rasaasta waxaase galabta abaare shantii galabnimo dagaalka uu noqday mid la isku adeegsanayo hub culus.

Dhawaqa hubka culus ee dagaalka ayaa laga maqlayaa magaalada dhexdeeda waxaana jira khasaare dhimasho iyo mid dhaawac oo labada dhinac ee dagaallamaya ee Galmudug iyo Puntland u badan.

Xaaladda ayaa cakiran dadweynaha magaalada Gaalkacyo ayaa muujinaya cabsi ay ka qabaan in dagaalka uu magaalada soo gaaro.

Waxaa fashil uu ku yimid Gaalkacyo heshiiskii xabad joojinta ahaa ee culumada iyo odayaasha maamullada Galmudug iyo Puntland ay ku gaareen magaaladaasi.

Goobjoog News

Related Articles

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

Close
Goobjoog

FREE
VIEW