U bood dhigaalka

Dagaal xooggan oo ka dhacay duleedka Wabxo iyo duqeymo halkaas laga fuliyay

Sheeko:Amniga

Warar dheeraad ah ayaa waxaa ay kasoo baxayaan dagaal markale ciidanka dowladda oo taageero ka helaya kuwa deegaanka iyo Al-shabaab ku dhexmaray deegaan Ceelgorof oo ku dhow magaalada Wabxo, dagaalka ayaa yimid kadib markii xooggag ka tirsan Al-shabaab ay soo weerareen deegaanka oo ay ku sugnaayeen ciidanka dowladda.

Mid kamid ah dad deegaanka Ceelgorof oo la hadlay Goobjoog News ayaa sheegay in dagaalka uu soo gaaray habeenimadii caawa, walina deegaanka laga maqlaayo rasaas teelteel ah, waxaana uu intaas ku daray in dagaalkii galabta dhacay ay ku luglahaayeen diyaarado dagaal, kuwaas oo duqeeyay fariimaha Al-shabaabkii dagaalamayay.

Wararka waxaa ay intaas ku darayaan in ciidanka dowladda iyo kuwadeegaanka ay u suurto gashay in ay jabiyaan kuwii weerarka soo qaaday, waxaana caawa cabsi xooggan laga dareemayaa deegaanka Wabxo, taas oo labada ciidan ay ka kala joogaan labada dhinac ee magaalada, shacabka ayaa cabsi badan soo foodsaartay caawa.

Halkaan ka dhageyso

Goobjoog News